Maalinta Dhalinyarada Aduunka Oo Maanta Loo Dabaal Degayo Caasimadda Muqdisho
Munaasabad ayaa gabaldhicii shalay ka dhacday garoon kamid ah garoomada Magaalada Muqdisho oo ay ka qayb galeen Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu horeeyo Ra’iisul wasaare Kheryre,Xildhibaano J.F.S oo ka mid ahaa Xildhibaan da'yar oo ku cusub saaxada siyaadda kana muuqata biseyl siyaasadeed Xildhibaan C/fitaax qaasim maxamuud, Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Thaabibit Cabdi Maxamed, Wasiirka Dhalinyarada Iyo Isboortiga Marwo Khadiija Maxamed diiriye iyo mas’uuliyiin kae.
Wasiirka amniga, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga ayaa dhamaantood ugu hambalyeeyey dhalinyarada Soomaaliyeed maalinka dhalinyarada Aduunka.
Hormadiid News Online
Qudbadihii Halkaan ka daawo
No comments