KAGA BOGO WARAR IYO WARBIXINO

WARKII OO KOOBAN

Xildhibaan C/fitaax Qaasim Maxamuud oo Ka hadlay Cadaalad darada Qaab dhismeedka Guddiyada Golaha Shacabka

Xildhibaan C/fitaax Qaasim Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Jambuuriyadda Federaalka Soomalia ayaa ka hadlay cadaalad darada ay ku dhisan yihiin Guddiyada Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan C/fitaax Qaasim maxamuud ayaa  ka mid ah xildhibaanada ku matashada Beelaha Jareer weyne Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Qaasatan Beesha Afar makane, Xildhibaanka ayaa ku sheegay wax lala yaabo Guddiyada Baarlamaanka federaalka oo gaaraya ilaa iyo 15 Guddi oo aanan qeyb ka aheyn Xildhibaanada matasha beelaha jareer weyne, wuxuu intaa ku daray in aysan Gudiyadaas guddi ka mid ah xitaa aanayn ka aheyn Xogheye iska daaye in ay ka noqdaan Gudoomiye ama ku xigeen.

Waa wax lala yaabo Dowlada federaalka Soomaaliya Sharci Noocee ah ayey ku dhaqmaan Haddii Golihii Sharci dajinta uu Masuq maasuqaa ka jiro.



No comments