KAGA BOGO WARAR IYO WARBIXINO

WARKII OO KOOBAN

Cabashada Xildhibaanada Beelaha Jareerweyne ee Maamul Goboleedka Hirshabelle

 

Waxaa isasoo taraya Dhaliilaha loo jeedinayo Xukuumadda Maxamed Cabdi Waare ee Hirshabelle. dhawaan ayey aheyd qaar ka mid ah xildhibaanada hirshabelle ay ugu baaqeein madaxweyne waare in uu iska casilo xilka madaxtinimo kadib markii ay ku eedeeyeen in uu ku fishilmay hogaaminta maamulkaa. 
Iyadoo arintaa jirto ayaa waxaa markale kasoo yeertay qaar kamid ah xildhibaanada beelaha Jareer weyne kuwaas oo ayana sheegeen in uu qiyaameeyey madaxweyne waare, uuna ooga baxay balamo ay la galeen madaxweynaha, taas oo in uu ugu shaqeeyo hirshabelle cadaalad Beelahaana ay ka helaan xukuumadiisa saami qeybsigooda. Xildhibaanada Beelaha jareer ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle ay Sheegeen in ay Kalsoonidii kala laabteen Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo ay ku tilmaameen in uu Xaquuqdii Qowmiyada Jareer Weyne uu duudsiyey. 
Su,aasha Meesha taala Waxa ay tahay goorma ayaa la Ogaadey in Saamigii ay Xaqa u lahaayeen ayna ka helin Maamullkaas?
Mid ka Kamid ah Xildhibaanada Jareer Weyne ee Maamulka Hirshabeelle oo Ka hadley Markii ugu horeysay ee uu Madaxweynuhu Soo dhisey Golihiisiisa Wasiirada.. Dhegeysi Wacan.





No comments