KAGA BOGO WARAR IYO WARBIXINO

WARKII OO KOOBAN

Markii Wiilkeena Dhashay (Qiso Dhab Ah)


Markii Wiilkeena Dhashay (Qiso Dhab Ah)
04/12/1439 15/08/2018

Wargeyska theparisnews ee kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa warbixin ka qoray xaaladda caafimaad ee cunug isaga oo dhicin ah oo aan neefsan karin (Congenital anomalies) ay sannado ka hor dhaleen Lammaane u dhashay dalka Jameyka.
Kadib 105 maalmood oo uu dhalo ku jiray ayay dhaqaatiirtu sheegeen in aan waxba laga qaban karin xaaladda cunuggaan, uuna dhiman doono haddii uu dhalada kusii jiro ama qalliin lagu sameeyo.
Aabaha wiilkan oo dhawaan la hadlay warbaahinta ayaa yiri: “Markii uu wiilkeennu dhashay isaga oo aan neefsan karin waxaa na hor-taalay in aan kala doorano in aan iska fiirsanno ama eegano oo uu horteenna ku naf-baxo, iyo in aan nafteena u hurno oo aan sameyno wax kasta oo suuragal ah si uu usii noolaado. Waxaana go'aansaday in aan cunuggeyga u huro nafteyda, kadibna aniga iyo isaguba waxaan galnay qalliin caafimaad, waxaana sambabkeyga looga xiriiriyay tubbo jirkiisa neefta siisa, sidaas ayaan aniga iyo wiilkeyguba uga wada neefsanaynay sambabkeyga"
Aabbaha Wiilkaan oo ka sheekeynaya sida uu xaalka wiilkiisu noqday qalliinkii kadib wuxuu yiri:"aniga iyo xaaskeyguba waan aaminsaneyn in xitaa haddii qaliin lagu sameeyo wiilkeenna uu noolaan doono isaga oo naafo, Indhool ama dhegool ah, laakiin wax kasta oo uu noqdaba waan ku jecleyn waana ku rabnay waayo waa dhiiggeenna iyo gobal-kamid ah beerkeenna.
Waan u duceyn jirnay mar kasta oo aan salaad tukanno, dadkana waxaan ka codsan jirnay in ay noogu soo duceeyaan. Maanta cunuggeennu wuu weynaaday, araggiisa, maqalkiisa iyo maskaxdiisuna way u caafimaad qabaan Alle ayaana ku mahadsan"
Sawirka hoose oo ay ka muuqdaan heerarkii uu wiilku soo maray waxaad ka dhedhensan kartaa macnaha Aabbenimo, halganka adag iyo jaceylka naf-hurnimada ah ee waalidkeen usoo galeen nolosheena
Hormadiid News Online 

No comments