KAGA BOGO WARAR IYO WARBIXINO

WARKII OO KOOBAN

Mas ayaa galay dukaan lagu iibiyo qalabka dhismaha

Sheeko aad u xiiso badan
Mas ayaa galay dukaan lagu iibiyo qalabka dhismaha, meel gees ah ayuu u gurguurtay wuxuuna kormaray MIINSHAAR waana dhaawacmay. Maskii wuxuu ku jeestay MIINSHAARTA waana qaniinay wuxuuna si xun uga dhaawacmay Afka.
Masku ma oga dhibaatada kasoo gaareysa MIINSHAARTA isagoo u qaatay in MIINSHAARTU isaga weerar ku tahay, wuxuu go’aansaday inuu isku duuduubo MIINSHAARTA si uu ugu cabburiyo jirkiisa awooddiisa oo dhanna isugu geeyo MIINSHAARTA si uu u dilo.
Nasiib-darro Maskii waxaa dilay MIINSHAAR aan dagaal kula jirin oo dukaan u taal sidii loo iibsan lahaa halkaas ayuuna ku geeriyooday.
“Mararka qaar si caro leh ayaan jawaab u bixinnaa innagoo dooneyna inaan waxyeeleyno kuwo aan u aragno inay dhibaato noo geysteen laakiin waxaan dhaawaceynaa nolosheena-
Mararka qaar waxaa wanaagsan inaad iska indha-tirto xaaladaha qallifsan sababtoo ah waxaa laga yaabaa in jawaabta aad ka bixiso ay keento cawaaqib xun”
Translated From Mike Gillerson.
Xigasho : Qaraaxo iyo Qisooyin Page.


No comments