KAGA BOGO WARAR IYO WARBIXINO

WARKII OO KOOBAN

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo Shaaciyey Doorkii uu ku lahaa Xasuuqii Ruwanda


Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, oo booqasho ku jooga wadanka Rwanda ayaa ku dhawaaqay in Faransiisku aqoonsaday doorkii uu ku lahaa mas’uuliyadda xasuuqii Rwanda ee dhacay sanadii 1994.

Xasuuqaas oo ka dhacay dalka Ruwanda 1994 kaa ayaa waxaa lagu laayey dad gaaraya 800,000.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa weydiistay dadka reer Rwanda in laga cafiyo doorka waddankiisa ku lahaa xasuuqa.

Macron wuxuu sheegay in faransiiska ay waajib ku tahay inuu qirto dhibaatadii ay u gaysateen dadka reer Ruwanda.

Dagaalada ka dhaca Africa waxaa inta badan ugu wacan wadamada horumary aygoo dano gaar ah ka leh, sida macdanta iyo shishaalka dhex eegaaga Qaaradda afrika. 



No comments