Fatahaada Webiga Shabelle ee uu Ka Geystey Xaafado Ka Mid Ah Degmada Baledweyne Iyo Tuulooyin Hoostaga Waxaana Jira Warar Naq Sheegaya
Webiga Shabeelle Ayaa Fatahaad Ka Geystey Xaafado Ka Mid Ah Degmada Baledweyne Iyo Tuulooyin Hoostaga Waxaana Jira Warar Naq Sheegaya.
Xaafada Dhagax Jabis oo k
a mid ah degmada Baledweyne iyo Tuulooyin ku yaala galbeedka Baledweyne ayuu webigu ku fatahay kuwaas oo ay degto beesha Afar Makane waxaana kamid ah tuulooyinka Qarsooni, Bacaad-Buuko iyo Beledu-Nuur.
a mid ah degmada Baledweyne iyo Tuulooyin ku yaala galbeedka Baledweyne ayuu webigu ku fatahay kuwaas oo ay degto beesha Afar Makane waxaana kamid ah tuulooyinka Qarsooni, Bacaad-Buuko iyo Beledu-Nuur.
Tuulooyinkan ay biyuhu soo galeen ayaa dadkii deganaa ay u bara kaceen tuulooyinka kale oo ku dhowdhow kuwaas oo qaarkood ay biyuhu soo galeen qaybo ka mid ah.
Haddaba iyada oo dadweyne badan oo ku nool qaybo kamid ah xaafadaha Baledweyne iyo tuulooyinka webiga jiinkiisa ah ee ay degto beesha Makane ay cabsi weyn ka qabeen in fatahaadu ay isa soo tarto oo dhibaato weyn geysan doonto ayaa waxaa la helayaa warar ka duwan midaas.
Sida laga helayo degmada Mustixiil oo ka tirsan dawlad deegaanka Itoobiya Webiga Shabeelle ayaa noqay oo dib u celiyey biyihii buux dhaafiyey warkaas oo si weyn u farax gelinaya dadweyne badan oo wadnaha farta ku hayey kuwaas oo baqdin ka qabey in ay soo gaaraan biyo ka badan kuwa hadda oo waxyeelo u geysta.
No comments