KAGA BOGO WARAR IYO WARBIXINO

WARKII OO KOOBAN

Xildhibaan Cabdifitaax khasim Maxamud oo Ka mid Noqday 11-kii xildhibaan ee ugu saameynta badnaa xubnaha labada Aqal ee laga soo doortay Hirshabeelle.

11-kii xildhibaan ee ugu saameynta badnaa xubnaha labada Aqal ee laga soo doortay Hirshabeelle.


Maxaa Lagu Xushay Xildhibaan Cabdifitaax Khaasim?

Xildhibaan Cabdifitaax Khasim ayaa ahaa Xubin baarlamaan oo aad ugu firfircoon wuxuuna ku muteystay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga oo kala ah: 

1) Matalaasha Cashabka

Xildhibaan Cabdifitaax waxa uu ahaa Xildhibaankii Ugu Horeeyey ee booqda deegaan doorashadiisa asigoo u kuurgalaya xaaladda ay kusugan yihiin cashabka uu matalo, waxa uu markasta golaha dhexdiisa ku difaaci jiray qaab dastuuri ah asigoo raadinayaa xaquuqaadka ka maqan shacabka uu matalo.

waxa uu xiriir dhaw la yeeshay dhalanyada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Xildhibaan Cabdifitaax waxa uu dhalanyada ku dhiiragaliyaa waxbarashada iyo in ay la yimaadaan hal abuur.

waxa uu qarashka Jaamacadda uu ka bixiyaa Arday ka soo jeedda dadka danta yar ee shacbka ku matalo Golaha shacabka.

2) La xisaabtan ka hey'adaha Dowlada 

Xildhibaan Cabdifitaax inta uusan noqon wasiirka ku xigeenka gaashaandhiga, waxa uu ka mid ahaa Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamullada Gobollada Iyo Amniga, waxa uu kaalin
mug leh ku lahaa la xisaabtanka hey'adaha Amniga iyo Wasraadda ay shaqadooda quseyso, waxa uuna ahaa mid laf dhabar u ah Guddiga.

2) Xeer-Dejinta

Xildhibaan Cabdifitaax waxa uu ahaa xubin firfircoon si hufan oo dastuuri ah uga dooda xeerarka la keeno golaha shacabka wuxuuna ku caan ahaa ilaalinta dastuurka si waafaqsan Shareecada Islaamka.

Sidoo kale waxa uu difaaci jiray Dadka la heyb-sooco oo ku dadaali jiray sidii ay caddaalad u heli lahaayeen.



No comments