KAGA BOGO WARAR IYO WARBIXINO

WARKII OO KOOBAN

WASAARADDA WAXBARASHADA JFS OO SOO BANDHIGTAY MANHAJ MIDEYSAN (WARBIXIN)

WASAARADDA WAXBARASHADA JFS OO SOO BANDHIGTAY MANHAJ MIDEYSAN (WARBIXIN)

Dal marka la rabo in la bur buriyo waxaa loo maraa dhanka qoyska iyo Manaahijta waxbarashada maadaama ay yihiin Bar baariyaha Rasmiga ee Bulshada.
Ujeedka ayaa ah in Ubadka soo koraya la lumiyo dhaqan iyo aragti ahaanba lana seejiyo garashada kheyraadka iyo Taariikhda dhaxal galka ah ee uu leeyahay Dalka ugu dambeyna uu noqdo mid maskax ahaan loo haysto.
Dalkeynu wuxuu leeyahay kheyraad faro badan oo Bad,Beer iyo Batrool xoolo iyo macdanba ah nasiib darose aan wax soo saarin kanu tiirsan gacan shisheeyey iyo dawarsi markastana ay dhagahaagu kusoo dhacayaan Erayga ah "Caalamka waxaan ka codsanynaa inay Taageero Nala soo gaaran"
Waxaa kuu caddaanaysa markaa Dagaalka fikriga ah ee nagu socda ee ah" Anagu Un na dabo soco"
Haddaba Faqriga Nahaayo maaha mid dhanka kheyraadka ah ee waa faqri Dhanka maskaxda iyo Aqoonta ah.
Waa Hubaal Dalkeenu inuu soo kabanaayo isbedel Badan oo Dhan kasta ah uuna jiro Dadaalo ay Bixiyeen dowladihii kala duwanaa ee Dalka soo maray.
Kala duwanaashaha manaahijta waxay sababtay kala duwanaasho xagga aqoonta hab dhaqanka iyo Fakarkaba ah iskuul walbana wuxuu kuxernaa manhajka dowladda kaalmaysa iyadoo manaahijta qaarkooda aanay kujirin Sadar soomaali dal iyo Dad ahaanba kusaabsan.
Haddaba manaahijta aan lajaan qaadi karin dhaqanka iyo Diinta ay dadku aaminsanyihiin waxaa ka dhalan kara in Bulshada lagu jiheeyo Aragtiyo Qaldan oo u Adeegta Kooxo ama dowlado gaar ah kuna dhisan Loolan iyo is nacayb indho la'aan ah udhexeeysa Bulshada ugu dambayna bulshadii Noqdaan kuwa Dhuunta un ka fakara Dalkiina meesha ku lumo.
Isbedelada dhanka aqoonta iyo Tiknoolijiyadda casriga ah ee uu adduunku gaaray waxay Daruuro kadhigaysa in lahelo manhaj cilmyeysan,mideysanna lana jaan qaadi kara casriga aanu nool nahay.
Wasaaradda Hiddaha Iyo Tacliinta Sare waa ay ku mahadsantahay iyaga iyo aqoonyahanada kashaqeeyey sameynta manhajkaa mideysan waana rajeynayaa bilow wanaagsan inay unoqoto manhajka waxbarasho ee Dalka.
Dhamaan shacabka soomaaliyeedna waxaa waajib ku ah inay ku biiriyaan aqoontooda wax walba oo ka qayb qaadanaya Horumarka dalka Iyo Dadka soomaaliyeed.
-Xuriyad Aan aqoon Lasocon waa khatar Joogta ah.
-Waxbarashada waa Furaha Albaabka Xuriyadda.
- Aqoonta Waa Baasaboorka Mustaqbalka
Ramadaan Mubaarak Dadkaygiyow.
Sanadkaan sanadkiisa iyo Manhaj mideysan oo Tayo Leh inshaallaah.






No comments