Xiisad ka dhex taagan Xawaadle iyo Makane oo ku aadan Dhulbeereedka Qowlad
Xiisad ka taagan Xawaadle iyo Makane oo ku aadan Dhulbeereedka Qowlad
Beelwynta Makane oo ah Beel nabadeed oo mar weliba ka shaqeysa Nabadda iyo wada noolaashiyaha Beelaha kale ee la degan dhulweynaha Hiiraan, ayaa Shalay Odayaasha dhaqanka, Culumaa'udiinka, Aqoonyahanada iyo waxgaradka baaq ugu direen Dowladda federaalka Somaliya, Dowlad goboleedka hirshabelle iyo Maamulka Gobolka iyo Beelaha kale in soo faragaliyaan Beesha xawaadle Boobka Dhuleed ay ka wado Dhul beereedka Qowlad.
Ugu dambeyn waxa ay saxaafadda u sheegeen haddii lasoo fara galin waayo xiisadan ka taagan dhul beereedka Qowlad ee ay rabto beesha xawaadle in ay si xoog ah kugu wareegaan ay taasi ka dhalan doonto cawaaqib xun oo ilaa degmada beledweyne saameyn doonto, sidoo kale wixii dhib ka yimaada ama dagaalkii ka dhaca waxaa mas'uuliyadeeda qaadayo maamulka iyo beesha ku soo duushay dhul beereedka Beelweynta Makane.
No comments