KAGA BOGO WARAR IYO WARBIXINO

WARKII OO KOOBAN

Taariikda Degmada Beledweyne.

WALAAHA SOOMAALIYEED MARKA HORE KU SOO DHAWAADA WEBSITE KEENAAN OO OOGU TALA GALNAY IN AAN KU SOO BANDHIGNO TAARIIKHDA SAXDA AH EE GOBOLKA HIIRAAN.

waxaan halkaan idinku soo gudbinayaa Hordhac ku saabsan Buugga Ka hadlaya Taariikda Degmada Beledweyne.

Alle (SW) Ummad kasta oo uu Abuuray waxa uu makaniyey Dhul ay ku noolaadaan, sidoo kale waxaa dhacda in ummadaasi ay dhulkaas uu alle Makaniyay ay la qabsadaan ayna ku noolaadaan balse waxaa dhacda in mararka qaar ay Ummadi ku noolaan waaydo dhulkii uu alle makaniyey sababaha soo socda aabadeed.

1) In dhulkaas uu alle makaniyey (dejiyey) ay ka heli kari waayaan wax ay quutaan ama in ay lakulmaan abaaar ku kalifta in ay ka haajiraan dhulkii ay ku noolaayeen.
2) In ay colaadi ragaadiso dhulka ay ku noolyihiin tabarna ay u heli waayaan in ay iska dulqaadaan colaadaas.
3) In Cudurro Haliga noloshooda iyo waxa ay noloshooda ku maareeyaan oo ah xoolaha saameyso.
Haddaba intaas waa waxa ku kalifa in Ummadi ka haajirto Meel Ayna u haajirto Meel kale iyadoo labada xusuusan yahay in Haajiritaanka dabiiciga ah ay u badan yihiin Xoolo dhaqatada.
Haddii aan u soo noqdo Taariikhda Beledweyne iyo inta laga yaqaaano waxaay buugaagta taariikheed ee ay qoraan soomaalida iyo kuwa ay qoreen ajaaniibtii soomaaliya Gumeysatay ay ku cadeeynayaan in Gobolka Hiiraan iyo Dagmada Beledweyne ay Dagan yihihiin dadyow Ku yimid Haajiritaan (Safar) kuwan loogu yimid Dhulkaas.
Aan hori ugu sii codee Dadkaas Degan Beledweyne Haddi aad u fiirsato waa labo qeybood oo baaxad weyn kuwo waa Beeraleey kuwana waa Xoolaleey, Beelaha Dega Beled weyne dhammaantood waxa ay sheegtaan in ay ayaga ugu soo horeeyeen Hiiraan iyo Degmada beled weyne Hasa yeeshee waxaa la dhaafi karin oo indhaha laga qabsan karin in Beesha Afar Makane ay Tahay Beesha loogu yimid Hiran uguna tunka weyn Gobolka Hiiraan iyo Degmada Beledweyne taasi waxaa ka dhageysan kartaa videogan oo ka hadlaaya Qalcadii uu Sayid Maxamed Cabdile Xasan Uu kasameystay Beledweyne. iyo Qaabkii ay ku qabsadeen beledweyne. Qofka aqoonyahanka ah xaqiiqada markuu arko waa uu qancaa.
Beesha afar makane Bortooyadeeda ayaa katalin jirtay Gobolka hiiraan Fadhina u aheyd degmada Beled weyne oo taariikh dheer ku laheyd. Markuu Sayidka doonay in uu Beledweyne Qabsado waxaa ka horyimid ciidakii Hormadiid ee Boqortooyada AfarMakane ee uu Hogaaminayey Cadde Baxaar, Codsiyo ay soo dirsadeen Daraawiish oo ay ku doonayaan in ay xilfa wadaag ay noqdaan boqortooyada Beesha afarmakane waa uu ku hungoobay waana loo diiday soogalideeda beled weyne, Halkaasna waxaa ka dhacay dagaal aad u ba'an oo ay kawada qeyb qaateen dhammaan Beelihii soomaaliyeed ee xilfawadaaga ay ahaayeen Daraawiish.







3 comments: