KAGA BOGO WARAR IYO WARBIXINO

WARKII OO KOOBAN

QEYBTA 3AAD EE TAARIIKHDA DEGMADA BELED WEYNE;MAXAA KA TAQAAN GEESIYAASHII "#HORMADIID"

Waa Qeybtii 3aad ee Taariikhda Degmada Beled weyne


MAXAA KA TAQAAN GEESIYAASHII (HORMADIID)

Taariikhyahanada soomaaliyeed iyo kuwa kale ee taariikhda soomaliya wax ka qorey waxa ay sheegaan in Gobolka Hiiraan iyo in badan oo kamid ah ismaamulka Somalia ee Itobiya hadda heysato in ay ka talin jirtay Boqortooyo Aad u Baaxad weyn oo Xukunkeeda adag yahay lagana soo Gali karin inta taliskeeda uu gaaray sida uu buuggiisa taariikheed uu ku Qray Qraaga soomaaliyeed ee Ow jaamac kaas oo ooga hadlayey Taariikhdii Daraawiikh ee Gobolka Hiiraan, ee uu Ku sheegay in ay Kala kulmeen Daraawiish Gobolka Hiiraan Boqortooyo Leh Ciidan Adag oo Lamag Baxay Hormadiid, Una ogolaan waayey in ay Daraawiish Gudaha Beled weyne in ay soo gasho.
Boqortooyada Halkaa ka talin jirtay wixii ka Horeeyey 1913 waa Boqortooyada Makane oo markii Dambe u ogolaatay in ay lasoo degaan Reer Miyi Xoolahooda Abaar Ka soo qabatay.
Waxba hadal aan Idinkugu daalinine Boqortooyada Beel weynta Makane waxaa soo martay Xukuumado kala duwan iyo Boqoro Kala Duwan. 
Boqortooyadii Ugu Dambeysay ee uu Abaanduuliaha dagaalka ka ahaa Halyeeygii Hiiraan "Nimcadde Dacaar" ayaa waxaa ay dhistay ciidan Xooggan oo Loogu Magac Daray " Hormadiid" Ciidan Kaas oo U dhisnaa sida ay Boqortooyada Nidaamkeeda u dhisnaa oo ahaa Siada La yaqaano Beel weynta Makane Waa Afar Qabiil Oo isla dhalatay oo Kala ah:
Kuusane, Cusmaan Adeer, Maxaad , iyo Cali Sabti, Sidaa si lamid ah Ciidanka Boqortooyada Makane Waxaa uu ka Koobnaa 4 Qeybood oo Waa weyn oo ay Kala Hogaaminayaan Afarta Qabiil ay Ka koobantahay Beelweyna Ragga Ugu Fir Fircoon, Sidoo Kale Qaabka Dagaalka waa ay u kala hormari jireen oo Waxaa Markasta U hormari Jiray Waa Qabiika Kuusane waayo Asiga Ayaa Curudka ah Haddana Hayey Boqortinimada Beelweynta.



Boqortooyada Makane sidoo Kale waxaa Soo maray Ciidan La Oran Jiray "#Gooncad" oo Inta badan Dagaal Dhexmarijireen Itoobiya waana uu ka horeeyey Hormadii. Asigoo FaahFaahsan Waxaan Ku soo Qaadan Doonaa Qormadeena XIgta Isha Allah.





4 comments: