QEYBTA 2AAD EE TAARIIKHDA DEGMADA BELED WEYNE
Waa qeybtii 2aad ee Taariikhda Magaalada beledweyne
Hordhac
Waxa ay Taariikh yahanadu sheegaa in Deegaanka Beledweyne ay soo wajahday colaad taas oo kaga imaanaysay Qolo reer guuraa ah oo u soo guuray dhanka iyo Webiga si ay uga waraabaan.
Qolodaas waxaa lagu sheegaa in ay ahaayeen Dagoodiye uuna hogaaminayey Nin lagu sheegay in uu cuni jiray hal geel ah sidoo kale waxaa lasheegaa in qabiilkaa dagoodiye isku dayey in uu xoog kula wareego dhanka iyo wabiga kana dhigto deegaan.
Boqortooyadii Makane arinkaas waa ay u cuntami weyday waxaana lagu balamay Dagaal xiligaa Boqortooyada makane waxaa hogaaminayey Boqor Sammow Caajis asiga lagu sheego in uu cuni jiray Neef Lo’ah.
Caddow Daanbuur Vs Sammow Caajis
Qoraalka guud ahaan mid ku kooban raadraac taariikheed kahor iyo kadib Curashadii Magaalada Beledweyne Mar haddii ladoonayo in la milicsado lagana hadlo dhacdooyin taariikheed ee soo maray goobta ay dhacdo Beledweyne Xilli aad u fog oo qiyaastii ku aadan Qarnigii 14aad waxaa laga fursaneyn in la xuso magacyo Bulsho beeleed la aaminsanyhay in halkaas raas iyo rug deegaan u aheyd muddooyin kala dambeeyey.
Sida laga wariyey odayaal xog ogaal ah oo degaanka ku dhashay ku dhaqmay kuna dhintay sida Nabadoon Xasan Guure Dacaar geeriyooday 1952. Suldaan Miidaan Axmed samawade Geeriyooday 1997 dii. Isla markaana kan dambe (Miidaan), ahaa oday aqoon dheeri ah u lahaa guud ahaan bushada soomaliyeed gaar ahaana deegaanka Beledweyne.
Waxaa la sheegaaa in goobta ay ka dhalan doonto magaalada Beledweyne iyo agagaarkeeda ay wakhti aad u fog ku soo hayaamay laba qoomiyadood oo tiro lixaad halkaa ku yimid sida Gaalo waranleey iyo Boqortooyadii Ujuuraan balse waxaa la sheegaa in ay ku siinagaadi waayeen labaas qowmiyadood sababtoo ah Boqortooyadii Halkaa Daganeyd ee Makane ayaa ka biyo Diiday in lalawadaago gacan ku heynta iyo maamulida Dhulkaa Hiiraan Qaasatan inta uu maro Webiga shabelle illaa itoobiya.
Gudaha iyo galbeedka Webiga ee xigta halka ay magaalada beledweyne ku taalo ayaa ay aheyd mid aanan la gali Karin labo sabab awgee.
1) Mas weyn (Jibiso) halkaas ku nool
2) Ayadoo gaar ahaan galbeedka webiga ay Fariisimo ka dhigteen beesha dagoodiye oo aan cid kale wax u ogaleyn.
Si kasta iyo waxkasta oo dhici karay Makane waxa uu go;aan saday in halkaasi ay noqoto Deegaan uu xukuumaddiisu ka taliso oo aan u ogalaan doonin cidkale oo ku xad gudubta maamulkooda.
Waxaa lasheegaa in wakhtigaas agagaarka hilada Dabaan (6KM jihada waqooyi ee dhanka galbeed webiga) uu joogay nin xoog badan lafweyn dagaal yahan ahaa oo la oran jiray caddow danbuur u dhashay Dagoodiye oo baad, culeys iyo cadaadis badan ku hayey geeleyda Jajeele ee u soo aroorta heladaas.
Sidoo kale waxaa jiray Nin hogaaminayey Boqortooyadii makane (Reer Kuusane ) ah oo la hihi jiray sammow caajis kaas oo ahaa geesi magambade ah oo dhanka xooga iyo tabta dagaalka ahaa ninka kaliya ee u dhigma caddow daambuur. Waqtigaas Makane iyo Jajeelle waxaa ka dhaxeeyey xiriir is baheysi soo jireen ah oo ku saabsanaa in ay iska kaashadaan xagga abaaraha iyo colaada.
Maalin maalmaha kamid ah waxaa dagaal lagdan ah oo muddo socday fooda is dareen labadii hargaanti, ugu dambeyn waxaa goobtii ku geeriyooday caddow dambuur oo sida la sheegay xooggii asigoo dharagsan dhulka loogu dhuftay awgeed caloosha dilaacdaay.
Arintaas waxa ay dhashay dhiilo colaadeed oo sababtay iska horimaadyo kala dambeeyay oo dhex maray Boqortooyadii Makane iyo Dagoodiye loona adeegsaday wixii qalab dagaal markaas lahaystay kii ugu dambeeyay uguna xoogganaa waxa uu ka dhacay Doonsubagle oo ah duleedka xaafadda Hadda loo yaqaano Buundo weyn. Intaas kadib dagoodiye waxa uu isku raacay in uu deegaanka ka guuro asagoo u dhaqaaqay jihada Koonfur galbeed.Hase yeeshee makane waxa uu deegaankiisii ka xureestay Cadowgii soo hujuumay.
M.a
ReplyDeleteWaaa arin aadlogu farxo in aan arkayo Tariqoyinka Belweynta Afar Makane