KAGA BOGO WARAR IYO WARBIXINO

WARKII OO KOOBAN

QEYBTA 4AAD EE TAARIIKHDA DEGMADA BELED WEYNE; CURASHADII IYO DEEGAAMEYNTII MAGAALADA BELEDWEYNE

CURASHADII & DEEGAAMEYNTA MGAALADA BELEDWEYNE.

Markii hore magaca waxa uu ahaa “Balo weyne” asagoo magacaas ku kasbaday dagaalo isdaba jog ah oo halkaas ka dhacay hase yeeshee magaca Beledweyne waxaa bixiyey maamulkii gumeysigii Talyaaniga. 

Dad badan ayaa aaminsan in magaca lamagalaay uu baxay wakhti ka horeyey inta aan gudaha webiga lasoo galin ama aan la deegaameyn. Dhulkaas waqtigaas hore lamagalaay looyaqaanay waa ka dhumuc iyo baaxad weynaa meesha hadda ku can baxday magacaas oo ah Xarunta ama saldhiga taliska Ciidanka xoogga. 

Lamagalaay waxaa loo yaqaanay inta gudaha ah ee webiga sohdinta u yahay iyo agagaarka dhaw eek u wareegsan, halkaas oo aheyd meel laga baqo oo cidina nafteeda ku aamini Karin. Waxaa jirta aragti kale oo sheegeysa in magaca lamagalaay uu abaxay wakhti dambe (ka akhriso cinwaanka xiga ee irrida aamin) waxa ay ahayd meel jiq, hawd iyo gol ah, geedaha iyo cawsku is qabsadeen oo sababta looga caagay ama loo gali waayey ay aheyd in meeshaas ay hoy u ahayd mas weyn nooca loo yaqaan Jibiso oo dad iyo duunyo wixii halkaas gala aanayn dib u soo noqon. 

Jabisadu waxa ay foof iyo gugaarsi ku gaari jirtay xagga bariga ilaa dhagaxjabis iyo kasii fog, galbeedkana ilaa gacanka. Markii dhibaatada maskaas loo adkeysan waayey ayaa talo ku soo uruurtay Boqortooyadii Makane in la baabiyo sidii loo heli lahaa qof diyaar u ah inuu u bareero halista ka imaan karta dilka iyo ladagaalanka Maskaas. 

Nin u dhashay Reer reer “Maxaad” oo magaciisa la dhihi jiray Gacal waay ayaa si naftihure iyo geesinimo leh isi soo muquuniyey kadibna Qur’aan lasaaray kaas oo ku guuleystay in uu gammuuno mariid leh ku dilo “Maskaas” sidaana dadkii uga dulqaaday kurbo iyo cabsi ku raagtay kuna noolaayeen muddo dheer. 

Dhimashadii Maskaas kadibwaxaa lasoo xulay todobaatan iyo kow Rag ah oo xoog iyo karti lagu doortay kuwaas oo loo xilsaaray in ay geedqaadaan dhulkaa oo baaxada weyn;  markaas bey suurtagal noqotey ingudaha lasoo galo ama guud ahaan lagu dhiirado imaashaha agagaarka wabiga.

Lamagalaayna noqotay meel deegaankeeda ladamcikara duunya iyodaaq tagto dadna kunoolaan karo sida ay sheegeyso xog lagu kalsoonaankaro gobtii ugu horeysay eedagaanka magaalada baladweyn kabilaawdey waxa ay aheyd halka loo yaqaan xaafada buuloxaableey oomark s tirqoysas ah kasameysteen buul degaan iyo beer iskudhagan. Meesha hadda ah saldhiga booliska ah waxa waqtigaas loocalaameeyay in ay noqoto qabuuro dadka dhinta lagu aaso.

Waa Qariidada Deegaaanadii Beelweynta Makne 1913 kii 

7 comments: