KAGA BOGO WARAR IYO WARBIXINO

WARKII OO KOOBAN

BEEL WEYNTA MAKANE OO KASOO HORJEESATAY QAABKA DHISMAHA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BELED WEYNE

BEEL WEYNTA MAKANE OO KASOO HORJEESATAY QAABKA DHISMAHA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BELED WEYNE.

Beel weynta Makane Waa Beesha Ugu Deegaanka Ballaaran Gobolka Hiiraan iyo Dagmada Beledweyne.
Beel weynta MAKANE ayaa loogu yimid Dhulweynaha Hiiraan iyo Dagmada Beledweyne, dagmadaan oo asal ahaan deegaameeyeen Boqortooyadii Beesha Makane ayaa waxaa hadda la doonayaa in sadbursi looga farabixiyo Maamulka degmada beledweyne.
Dhalanyarada, Odayaasha, Haweenka, Aqoonyahanada iyo Culumaa u diinka Beesha ayaa kasoo horjeesaday qaabka loo marayo Sameynta Golaha Deegaanka Degmada Beledweyne, Maadaama wasaaradda arimaha Gudaha Hirshabelle iyo Siyaasiyiin reer Hirshabelle ah ay u xaglinayaan in ay bedelaan qaabka loo soo xulayo Golaha Deegaanka oo loogu tala galay qaab deegaan in lagu soo xulo ayey waxay ay ka door bidayaan oo ay howsheeda wadaan in ay ku soo xulaan Golaha Deegaanka qaab 4.5 ah taas oo beesha u cuntami weysay.

Beelweynta Makane ayaa si buuxda U dagan dhammaan afarta Xaafadood ee Magaalada Beledweyne sidoo kale dhammaan Tuulooyinka ku hareereysan Magaalada beledweyne waa tuulooyin ay leeyihiib deganyihiina Shacab weynaha Beesha Makane.

Si aan looga tira badan golaha deegaanka qabaa'ilaadka gobolka hiiraan u tirada iyo deegaan ka yar oo ay isku heyb ay yihiin madaxda ugu sareeysa hirshabelle ayey waxa ay ka shaqeynayaan in ay bedelaan nidaamka saxda ah ee loogu tala galay in Golaha deegaanka Lagu soo xulo.

Hadaba Beesha Makane waxay baaq u direen Dowladda federaalka iyo deeqbixiyayaasha caalamka in hadii maamulka hirshabelle uu baal maro nidaamka xulidda golaha deegaanka, wixii ka yimaada in ay mas'uul ka yihiin madaxda hirshabelle.

hadda nala dhageysa Baaqa ay soo saareen.
 
By Hormadiid News Online

No comments