Banaanbaxyo Xoogan oo ka bilowday Muqdisho & abaabul soconaya
Muqdisho (Hormadiid Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka bilowday Banaanbax xoogan oo ay sameynayaan shacabka magaalada Muqdisho, kaasi oo looga soo horjeedo mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.
Banaanbaxa oo ku bilowday dhalinyaro Kooban ayaa is qabsaday meelo kale oo badan, waxaana la sheegayaa inay dadka ku dhawaaqayaan erayo ka dhan ah xildhibaanada mooshinka gudbiyay.
Dadka banaanaxa dhigaya ayaa u muuqdo kuwo iskood isu soo abaabulay, kana carooday motionka madax weynaha laga gudbiyey.waxaana la qorsheynayaa inay ku kulmaan fagaaraha Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, sida wararka aan ku heleyno.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maamulka gobolka Banaadir uu qeyb ka yahay dadka ka dambeeya abaabulka banaanbaxayaasha, waxaana ay ka gaabsadeen inay warbaahinta la hadlaan.
Wixii kasoo kordho Banaanbaxaas kasocdo Caasimada Muqdisho Waan idin lawadaagi doonaa.
No comments