KAGA BOGO WARAR IYO WARBIXINO

WARKII OO KOOBAN

Xidhibaannimo Waa Waajib Adag Oo Gudasho Raba



Xidhibaannimo Waa Waajib Adag Oo Gudasho Raba. Doorashada iyo Codka la Siinayo Wakiillada Shacabka ee heer Federal waxay leedahay hab maamuus gaar ah oo mudnaanteeda leh - waxaana lagaaga baahanyahay in aad u sameyso isbeddel dhab ah oo ku saleysan nolosha dadka aad matasho iyo tan dalka. Xildhibaanimada waa shaqo adag, maalin kasta waxaa lagaa filayaa inaad isku dheelitirto baahida deegaankaaga iyo Dadka ku soo doortey. Xildhibaan ahaan waxaad yeelaneysaa doorar badan oo kala duwan si aad isugu dheellitirto baahida xaaladaha dalka iyo tan dadka aad matasho, maadaama wakiil la soo doortay ee degaanka aad tahay. Golaha shacabkana waxaad kaga qayb qaadaneysaa horumarinta siyaasadaha iyo istiraatiijiyadaha, oo ay ka mid tahay dejinta sharciyada, waxaana aad ku lug lahaaneysaa go'aaminta Sharciyada golaha iyo Anixinta Ajandayaasha Golaha Fulinta iyo Heshiisyada Dowladu ay la gasho Caalamka. Xildhibaanka oo ay Shaqadiisu tahay Mid adag oo u baahan Aqoon, iyo aragti fog oo wadata Siyaasad Hufan, ayaa waxaa wanaagsan in loo xusho dad ka bixi kara Xilkaa adag.































Qore: Sharma'arke Abdi Hassan.

No comments