KAGA BOGO WARAR IYO WARBIXINO

WARKII OO KOOBAN

Nolosha ayey ku Gubeen "Dil aqmaqnima ah oo ka dhacay Muqdisho"

Oday Jareer Weyne ah oo asigoo nool Lagu Gubay Muqdisho Xaafadda Towfiif. Arimo Guur dartii.
--------------------------------------------------------------------
Dil arxandaro ah oo manta kadhacay Magalada Muqdisho Gaar ahaan Xaafada Towfiiq
Waxaa si bareer ah loogu dilay maanta Xaafada Towfiiq Nin lagu magacaawo Axmed Muqtar Saalax oo ku macag dheer Axmed dowlo dilka ayaa yimid ka dib markii markii uu Marxuumka dhintay Alla ha u naxariistee wiil uu ader u ahaa uu guursaday Gabar ay daris ahaayeen taasoo ay isjeclaayeen gabadha iyo wiilka waxaa markiiba dood iyo dagaal kiciyay reerkii gabadha oo sheegay in aysan is guursan karin gabadhooda iyo Nin jareer ah wiilka gabadha Guursaday ayaa kasoo jeeda Beesha Jareer weyne Gabadha na ayaa Kasoo jeeday Beesha Abgaal dhanka hooyadeed ayaa kasoo jeeday Beesha Murusade
Waxaa jirtay in ay wada hadleen Reerka wiilka iyo reerka gabadha dood badan iyo wadahadal badan kadib waxaa lagu heshiiyay in gabadha lasiiyo wiilka oo gabadha Adeeradeed iyo Aabaheed raali ku noqdeen waxaa arinka dib kiciyay oo qanci waayay oo ku waalatay Jareer maguursan karo gabadheeyda Hooyada gabadha dhashay ayaa tiri oo keentay in ladilo wiilka Aderkiis oo iska jooga goobtiisa shaqo waxaa lagu dilay mindiyo maqar waran dabna way qabadsiiyeen oo waa ay gubeyn.

Inaa Lillah wa inaa iIeeyhi Raajicuun

waa ummad yahay diinta islaamka halkee idinka martay? Waar aaway soomalinimadii?
waar Gabdhihiina yurub iyo mareykanka joga gaal African ah iyo Gaal Cadaan ah weey guursadaan waadna ku faraxdaan oo waad kufaantaan, waar maxaa keenay maxaa soo celceliyey arintaan?


No comments