GEERAAR WAR ADIGA YAA TAHAY?
GEERAAR WAR ADIGA YAA TAHAY (MAXAMED BEEYD NUUR)
AAD U AQRISO HADII AAD AAQIL TAHAY GEERAARKAAN.
- War adiga yaa tahay mar hadii aad igu tiray african xabash iyo jareer.
- Qaaradaha dunida Waa shan; Africa, Asiya, America, Austarelya, iyo Yurube war adiga yaa tahay.
- Hana sheeganin Africa ileen adaa cadeyay inaadan aheyne oo diiday magacii somali nimo e war adiga yaa tahay.
- Somalidu sida la,ogyahay waa dad wada afrcan ah adiguna waa diidayoo anigaan igu sheegtay inaan African ahaye war adiga yaa tahay.
- Africanka Waa mid la yaqaan muuqaalkiisa una baahneyn cadeyn iyo in marqaati loo raadiya e war adiga yaa tahay.
- War ha isku dayin anigoo ah africanka saxda ah sidaad adigaba sheegtay oo ah somali lahubo inaad i takoorto adigoon la ogeeyn heebtaada iyo asalkaaga e war adiga yaa tahay.
- Dalkastoo Africa ahi dadkiisa wey isku juraan midba waa sida uu alla u uumay hadana wey ogyihiin iney wada African yihiin balse adiga diiday oo caqli xumadaada Ku siisay inaad aniga African igu sheegta e war adiga yaa tahay?
- Sida ii muuqato waa su'aallo aadan jawaab u heeynin sooma aha.
- Hadaba maslaxadu waa inaan wada noolaanaa oo aat iska deysaan qabiilkaan aad qaabdarada u fahanteene kow dheh.
- Hadaba maslaxadu waa inaan iska deynaa isir naceyb iyo waxuu alla raali ka aheyn si aan u qeernoon u hurumarnaaye laba dheh.
- Hadaba maslaxadu waa inuu magaceenu mid ahaadaa yaa tahay African yaa Ka tahay Somali oo kaliya ama si aan isku garano xitaa anagoo qabiil mesha ka saareyno ileeyn waa midka na duleeyoo baa,bi,iyay danaheena kuna waaynay nacfi aduun iyo mid aaqiro e isku garanaa waa reer muqdisho reer boosaaso reer B/weyne reer buula burte reer beydhabo reer jawhar reer kismaayo iyo inta magaalo degmo degaan tuulo iyo xaafad ee dalka ku taalee seddex dheh.
- Somalidu waa hal waana dad wada African ah dantuna waxey ku jirataa inaan iska qabano ninka wado qabyaalada iyo inuuw somali kala micneeyo.
Xigasho: Maxamed Abuukar Cismaan
No comments