WARBIXIN: Loolanka loogu jiro xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Muqdisho ka socda
BELEDWEYN (HORMADIID NEWS ONLINE)
Loolan xooggan oo loogu jiro xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Kulamo kala duwan oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada, iyadoona Xildhibaanada ay koox koox u wada socdaan.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa ay waddaan in xilka Gudoomiyaha ay u tartami karaan Beesha Gudoomiyihii xilka ka degay .
Xildhibaano kale ayaa ku doodaya in cidwalba oo muwaadin ah oo Golaha Shacabka tirsan ay isku sharaxi karto xilkaasi, sidoo kale waxaa soo ifbaxaya musharixiin isu soo sharaxay xilka guddoomiyaha baarlamaanka federaalka soomaaliya.
Xildhibaan Dr Iman Cabdulaahi Ali Wasiirkii hore wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya ayaa isku soo sharaxay qabashada Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.
Musharax Dr Iimaan Cabdulaahi Ali ayaa kamid ah Xildhibaanada saameynta leh ee ku jira Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaankan uu kamid yahay Xildhibaanada sida weyn loogu saadaalinayo in ay noqdaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Xildhibaan Imaan Cabdulaahi ayaa Shaqooyin iyo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii Soomaaliya, waxa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay Shirkado, Hay’ado iyo bangiyo caalami ah.
WAXII WAR VAH KUSOO KORDHA KALA SOCO HORMADIID NEWS ONLINE BALADWEYNE
No comments