KAGA BOGO WARAR IYO WARBIXINO

WARKII OO KOOBAN

QEYBTA 1AAD EE TAARIIKHDA DEGMADA BELED WEYNE

Waa Qeybtii 1aad ee Taariikhda Beledweyne 

HORDHAC

Magaalada beledweyne caasimada Goboilka Hiraan waxa ay dhacdaa ama ku taal Koonfur dhexe (South central Somalia) waxaa mara Wabiga Shabeellle oo magaalada ka dhigay mid leh Muuqaal gacan biyood ( Peninsula) waa magaalo Fac weyn oo ka hadalkeeda laga qori karo wax badan xagga taxanaha Taariikheed iyo waayihii soo maray arimaha Bulshada iyo siyaasadda Qeyraadka iyo dhaqaalaha Mudnaanta ay ka kasbatay halka ay degaan ahaan ku taalo.

1. Waxaa magaceedu lagu xusuust aa kaalintii ay kazoo qaadatay dadaalkii doonista Gobonimada ayadoo soobarbaarisay shaqsiyaad maktabo iyo mutnaan sare ku kasbaday hogaaminta iyo howl fulinta uruka SYL iyo guud ahaan busho weynta soomaaliyeed dhexdeeda (faafahinteeda kala soco qeybaha dambe ee qoraalka).
2. Qeyraadka rabbi ku manystay xagga biyaha durduraya duunyada daaqa iyo dallaga la beerto.
3. In nay hoy deegaan iyo nigaadi u tahaybusho kazoo jeedda Beelo kala duwan oo dan iyo deegaan wadaaga habdhaqanka iyo maareynta noloshooda ay tahay mid is kaabeysa.
4. In degaanku siiyey magaalada mudnaan ganacsi iyo isku xer wax is dhaafsi oo seddex gees ah waqooyi, koonfur iyo dhulka dowlad deegaanka soomaalida ee etoobiya(DDSI)
5. In dadkeedu leeyahay firfircooni dhug iyo dhiifoonaan dabiici ah iyo fikir hal abuur leh oo u sahlaya in ay sida ugu haboon uga jawaabaan daruufaha adage e markaas jira lasoo gudboonaada.
Intaas oo dhami waxa ay magaalada beledweyne u sahashay in ay yeelato mudnaan taariikheed oo xusuus iyo hadal heyn reebtay.
Aqristow waxaa laga cudurdaaranayaa in waqtiga qoritaanka iyo xog uruurinta ku soo aaday, ay culeys iyo caqabad dhab u tahay in si hufan oo dhameystiran loosoo bandhigo wixii dhacay iyo waayihii soo maray magaalada beladweyne mudada la doortay in wax laga qoro ( Billowgii deegaameynta ilaa 1969) sababtuna tahay.
1. In dhaqan ahaan soomaalidu tahay bulsho aan ku fiicneyn qoraalka dhaxal reebka ah balse adeegsada tabinta afka ama waxa loo yaqaano kutirikuteen sida badan ku saleysan faan iyo caadhifad aan nuxurka xogteeda lagu kalsoonaan Karin.
2. In guud ahaan qoridda afsoomaaligu yahay mid aad u da’yar.
3. In dadkii u soo joogay amma hayey sheeko taariikheed ka beled weyne oo laga wareysan lahaa iyo haddiiba uu jiray keydkii dukuminti ( feelishii) la raadrci lahaa labaduba galbadeen da’ iyo duruuf colaadeed awgee.
Intaas oo dhami waxa ay caqabad ku yihiin in si sugan loosoo bandhigo sanadkii iyo goortii ay aheyd xogta lagu helay qaabka tabinta tiraabka ah ee jiilba jiil u soo gudbiyey haseyeeshee waxaa naga go’an (aniga iyo intii gacan ka geysatay) in aan bilowno howl ugub ah anagoo filayna in ay jiri doonta cid halkaas kasii anbaqaada si loo helo Taariikhda Beledweyne oo dhameystiran, islamarkaana nuxurka xogteeda yahay mid loo qaateen ah oo raadraac fiican u noqota jiilasha dambe.
Muuqaalka Sare
Sida laga fahmayo farta ku qoran masawirka dushiisa, waxaa muuqaalkaan lasameeyey xiligii maamulkii talyaaniga qeybtiisii hore, qiyaastii 1935 ( wax yar kahor ama kadib) .waxa uu muujinayaa in waqtigaas buundo liiqliiqato aanayn webiga saarneyn in halka laga dhisi doono boostada gobolka dhabarkeeda dambe ay ka jirtay helo ay usoo arooraan dadka iyo duunyada magaalada looga nacfiyo. Inay jirtay cabsi laga qabay dhanka biyaha webiga sida yaxaaska, waxaa taas kuu cadeeynaya ooda laga dhigay biyaha dhexdooda.
1. Waxaa magaceedu lagu xusuust aa kaalintii ay kazoo qaadatay dadaalkii doonista Gobonimada ayadoo soobarbaarisay shaqsiyaad maktabo iyo mutnaan sare ku kasbaday hogaaminta iyo howl fulinta uruka SYL iyo guud ahaan busho weynta soomaaliyeed dhexdeeda (faafahinteeda kala soco qeybaha dambe ee qoraalka).
2. Qeyraadka rabbi ku manystay xagga biyaha durduraya duunyada daaqa iyo dallaga la beerto.
3. In nay hoy deegaan iyo nigaadi u tahaybusho kazoo jeedda Beelo kala duwan oo dan iyo deegaan wadaaga habdhaqanka iyo maareynta noloshooda ay tahay mid is kaabeysa.
4. In degaanku siiyey magaalada mudnaan ganacsi iyo isku xer wax is dhaafsi oo seddex gees ah waqooyi, koonfur iyo dhulka dowlad deegaanka soomaalida ee etoobiya(DDSI)
5. In dadkeedu leeyahay firfircooni dhug iyo dhiifoonaan dabiici ah iyo fikir hal abuur leh oo u sahlaya in ay sida ugu haboon uga jawaabaan daruufaha adage e markaas jira lasoo gudboonaada.Intaas oo dhami waxa ay magaalada beledweyne u sahashay in ay yeelato mudnaan taariikheed oo xusuus iyo hadal heyn reebtay.Aqristow waxaa laga cudurdaaranayaa in waqtiga qoritaanka iyo xog uruurinta ku soo aaday, ay culeys iyo caqabad dhab u tahay in si hufan oo dhameystiran loosoo bandhigo wixii dhacay iyo waayihii soo maray magaalada beladweyne mudada la doortay in wax laga qoro ( Billowgii deegaameynta ilaa 1969) sababtuna tahay.
1. In dhaqan ahaan soomaalidu tahay bulsho aan ku fiicneyn qoraalka dhaxal reebka ah balse adeegsada tabinta afka ama waxa loo yaqaano kutirikuteen sida badan ku saleysan faan iyo caadhifad aan nuxurka xogteeda lagu kalsoonaan Karin.
2. In guud ahaan qoridda afsoomaaligu yahay mid aad u da’yar.
3. In dadkii u soo joogay amma hayey sheeko taariikheed ka beled weyne oo laga wareysan lahaa iyo haddiiba uu jiray keydkii dukuminti ( feelishii) la raadrci lahaa labaduba galbadeen da’ iyo duruuf colaadeed awgee.
Intaas oo dhami waxa ay caqabad ku yihiin in si sugan loosoo bandhigo sanadkii iyo goortii ay aheyd xogta lagu helay qaabka tabinta tiraabka ah ee jiilba jiil u soo gudbiyey haseyeeshee waxaa naga go’an (aniga iyo intii gacan ka geysatay) in aan bilowno howl ugub ah anagoo filayna in ay jiri doonta cid halkaas kasii anbaqaada si loo helo Taariikhda Beledweyne oo dhameystiran, islamarkaana nuxurka xogteeda yahay mid loo qaateen ah oo raadraac fiican u noqota jiilasha dambe.Muuqaalka Sare Sida laga fahmayo farta ku qoran masawirka dushiisa, waxaa muuqaalkaan lasameeyey xiligii maamulkii talyaaniga qeybtiisii hore, qiyaastii 1935 ( wax yar kahor ama kadib) .
waxa uu muujinayaa in waqtigaas buundo liiqliiqato aanayn webiga saarneyn in halka laga dhisi doono boostada gobolka dhabarkeeda dambe ay ka jirtay helo ay usoo arooraan dadka iyo duunyada magaalada looga nacfiyo. Inay jirtay cabsi laga qabay dhanka biyaha webiga sida yaxaaska, waxaa taas kuu cadeeynaya ooda laga dhigay biyaha dhexdooda.




QORAA SARE PROF. DIINLE

4 comments: