WAA MAXAY SABABTA MARKII BISHAAN OO KALE LA GAARO DADKA QAARNA U FARXAAN QAARNA U NAXAAN?
WAA MAXAY SABABTA MARKII BISHAAN OO KALE LA GAARO DADKA QAARNA U FARXAAN QAARNA U NAXAAN??
(Maqaal Faaido badan)
waa warbixin uu qoray arday ka mid ah ardayda wax kabarata jaamacadda Cammud oo lagu magacaabo Sharma'arke Cabdi Xasan.
warbixitiisana waxa uu ku bilaabay sida tan:
Bismillaahi raxmaani raxiim, Markii lagaaro bisha Rabiicul-awwal ama Mowliid dadka qaar waa farxaan oo waxay sameeyaan Xaflado loo yaqaan Ixtifaaal ama Mawlid, Xafladda Mowliidku waxa ay ka kooban tahay 4 arimood sida uu ku cadeeyay Imaamu Suyuudi kitaabkiisa XUSNUL-MAQSID FII CAMALIL-MAWLID, 4-taas oo kala ah: 1-Qur'aan oo la aqriyo, 2-Siiradii NABIGA CSW oo laga sheekeeyo, 3-NABIGA CSW oo lugu Salliyo luguna amaano Qasiidooyin, 4-Sadaqo in la bixiyo oo dadka meesha isugu yimaada cunto la siiyo. Intaas midee baa Diinta Islaamka ka baxsan ama aysan ogolayn Shariicada Islaamku? ama midee ayaan jirin xilligii NABIGA CSW? Ma in isku meel la'isugu keeno ayay xaraam ku noqdeen?? is weydiin mayno Qur'aan ka oo la aqriyo Fadliga iyo Ajriga laga helayo, Siiradii iyo Taariikh-dii NABIGA CSW oo na looga sheekeeyo wax tarka ay noo leeday waan dareemi karnaa, Qasiido in NABIGA CSW lugu amaano Bukhaari iyo Muslim ayay ku taal oo waliba NABIGU CSW uu kursi u dhigi jiray Masjid-ka dhexdiisa Saxaabigii amaanayay ee Xassaan Bin Thaabit R/C. sidoo kale Asxaabtii RASUUL_KA Qasiidooyinka ku amaani jiray waxaa kamid ahaa Cabdullaahi Bin Rawaaxah R/C, in Sadaqo la bixiyo ma ahan wax aan hada daliil u raadineyo. arimahaas kheyr-ka ah ayaa lasameeyaa, ILAAH ayaana na faray in aan kheyrka samayno, ﻭﺍﻓﻌﻠﻮﺍ ﺍلخيز لعلكم تفلحون)) ﲑHadaba u jeedooyinka loo sameynayo intaas waa: 1--Shukri iyo mahad celin aan ILAAH SW uga mahad celineyno Nicmada weyn ee uu nasiiyay oo ah NABIGA CSW, 2-Maxabbo iyo jaceyl aan u qabno NABIGEENA CSW, 3-Wayneyn iyo qadarin aan u qabno NABIGA CSW , 4-Farxad aan ku farax sanahay dhalashadii NABIGA CSW. Hadii aan soo ogaanay waxa uu yahay Mawliid iyo Ujeedooyinka loo sameeyo iyo waliba arimaha la sameeyo in ay jireeen xilligii NABIGA CSW, goorma ayaa isku meel la isugu keenay oo qaabkaan in loo dhigo la bilaabay ? yaase bilaabay ? maxayse ka yiraahdeen Culamadii Islaam ka ee noolaa xilligii la bilaabay iyo waqtiyadii ku xigay?? Waxaa la bilaabay Qarnigii 7-aaad bilowgiisii sida ay cadeeyeen Imaamyaal-ka taariikhdu, waxaana bilaabay Boqor ka mid ahaa hogaamiye yaashii Islaamka oo la oran jiray Al-Malikul Mudaffar oo ay ku tilmaameen Imaam-yaalka taariikh diisa ka hadlay sida: Xaafid IBu Kathiir, Xaafid Dahabi iyo Imaam Ibnu Khallikaan - in uu ahaa Boqor Caalim ah,Sunni ah ,Caadil ah, oo geesi ah. waxaa joogay waqtigaas Culamadii Islaamka kuwoodii aqoonta badnaa oo gaaray Darajada XAAFID oo ah darajo lasiiyo qofkii xifdiya 100,000 boqol kun oo Xadiith, Xadiith-ka lafihiisa iyo abtiriskiisa intaba. Culamadaas waxay u qayb sameen qaar Kitaabo ka qora ay ku taageerayaan iyo qaar hadalo qiimo badan oo ay ku amaanayaan ka yiraahda, Xufaadii kitaabaha ka qoray waxaan ka xusi karaa: 1- Xaafid Ibnu Dixya 2- Xaafid Al-Jazari 3- Xaafid Shamsuddiin Al-dimashqi 4- Xaafid Ad-daybaci 5-Xaafid Cabduraxmaan As-sakhaawi 6- Xaafid Cabduraxiim Al-ciraaqi 7- Xaafid As-suyuudi 8- Xaafid Ibnu Khahiir 9- Imaam Ibnu Xajar Al-haytami 10- Almuxaddith Mula Cali Qaar iyo kuwo kale oo aanan soo koobi karin.
Qore: sharma cabdi xasan.

No comments