KAGA BOGO WARAR IYO WARBIXINO

WARKII OO KOOBAN

SIDA UU KU BAXAY MAGACA GOBOLKA HIIRAAN EE "HIIRAAN"

HORDHAC.


SIDA UU KU BAXAY MAGACA GOBOLKA HIIRAAN EE (HIIRAAN)

Sida la wada og yahay Gobolka Hiiraan wuxuu ka mid yahay 8-dii Gobol ee uu ka koobnaa Wadanka Soomaaliya Xiligii ay heysteen Wadanka Gumeystayaashii Talyaaniga iyoIngiriiska iyo weliba Dowladihii ugu horeeyey ee uu yeeshay Wadanka Soomaaliya.


Magaca HIIRAAN waxa uu ahaa Magac soo jireen ah looyaqaanayna Dhulkaa Barwaaqada ah ee ku Yaalla Bartamaha Soomaaliya Lixi laga Joogo Kumanaan sano.
Sida lawada ogyahay Gobolka hiiraan joqoraafi ahaan waxa u dhacaa bartamaha dalka somaliya. Waxaa xuduud la leh dhinaca bari ila waqoyi gobolka galgaduud. Dhinaca galbeedka: gobolka bakool, koofur galbeed:gobolka bay. Koofur gobolka sh beelaha hoose. Koofur bari gobolka sh dhexe.

SIDA UU KU BAXAY MAGACA HIIRAAN.

Ereyga Hiiraan waa Erey Soomaaliyeed oo ay Isticmaalaan Beeraleyda ama Dadka fasha oo tacbada beerah; waxaana ay ugala jeedaan; Miraha ku haray ama looga tagay Dallaga marka lagoosto dallagii ku yaalay Beerta.

Hadaba Gobolka Hiiraan Muxuu Magacaan ku muteystay. 

Sidaan horay ugu sheegnay marka aan ka hadlaynay taariikhda Gobolka Hiiraan waxaan ku sheegnay in taariikhyahadu ay ku cadeeyeen buugaagtooda taariikheed in Gobokaa Hiiraan fariisin u aheyd Boqortooyadii Makane oo taliskeeda Gaarayey ilaa qeybo badan oo ka mid ah is maamulka soomaalida ee etobiya heysato; boqortooyadaas Makane Dhaqaalaheeda ugu badan wuxuu ku xernaa Beeraha 85% halka 15% ay ku xirneyd Xoolaha iyo Farsamooyinkii kale sida sameynta Qalabka dagaalka, sameyn Agabka lagu seexdo sida dermaha, dambiilaha masafyada iyo sameynta dharka iyo waxa bani'aadamka waqtigaa jiray u adeegsanjireen si ay u maareeeyaan noloshooda.

waxaa jirta Ilaa Hadda Tuulo Leh Magacaan HIIRAAN tuuladaas waxaa naloo sheegay in aheyd bartii ay degenaayeen beeeraleyda ugu tacabka wanaagsan uguna deeqsinimada badan ee boqortooyada makane.
waxaana u soo ganacsi tagi jireen deegaankaas makane Soomaali oo Idil waqooyi Iyo Koonfur sidoo kale waxaa Deegaankaas makane imaanjireen xiliga goosashada dallaga Reer Miyiga u dhawaa deegaankaas kuna hoosnoolaayeen Boqortooyada makane waxaana laga quudin jiray Hiiraameysiga beeraha Boqortooyada Makane; maadaama ay ahaayeen masaakiin xoolo dhaqato ku hoos nool boqortooyada sidoo kale hiiraameysigaas waxaa kaloo u imaan jiray Soomaali kasta oo Abaar Soo qabata oo waxay ku bara bixi jireen Hiiraameysiga beeraha Boqortooyada makane, Sidaas ayuu ku muteysatay deegaankii MKANE Magaca "HIIRAAN" maadaama Qofkasta oo soomaali ah markuu yimaado deegaankaas makane uu hiiraameysan jiray. 
Marka ay u noqdo/unoqdaan Baadiyii/Beledkii ay ka yimideen waxa ay ku dhihijireen maraka la weeydiiyo oo la yiraahdo " Halkeed ka timideen oo badarkaan nii laga soo siiyey?" waxa ay ku dhihi Jireen waxaan ka imaanay HIIRAAMEYSIGA Makane, sidaa ayuu ku baxay magaca Hiiraan Qarniyo Kahor inta uusan Gumeysiga Arfica soo gaarin. 










Xigasho Nabadoon Xasan Jiis iyo Cumar Shidow


Qore: Prof: Diinle.

3 comments: